igu saabsan

xog kooban

salaam, magacaygu waa Abuukar Moxamed Maxamuud, waxa aan ahay aasaasaha iyo milkiilaha iyo howlwadeenka madasha tani, waxa aan ahay qof si’ madax banan u shaqaysta, waxa aan tacliintayda hoose iyo dhexeba ku soo qaatay dugsiga hoose/dhexe iyo sare ee Cadale halka aan tacliintayda dugsiga sare aan ku soo qaatay dugsiga hoose/dhexe&sare ee Al-sha’ab ee Magaalada Mugdisho. bartamahiisa sanadii 2016 waxa aan ku biiray jaamacada somalia (UNISO), waxa ayna ii soo idlaatay sanadii 2020, aniga oo kasoo bartay kuliyada maamulka iyo dhaqaalaha qeybteeda ganacsiga.

sida aan kor ku soo xusay waxa aan ahay qof si' madax banan (freelancer) ku shaqeeya, iyada oo shaqadayda xoogedu tahay mucalimnimo iyo taba-barrenimo, aniga oo bixiya
1- Research Methodology
2-Graphic Design iyo
3- Fahamka computer

-------Research Methodology

Tani waa maado ay qasab tahay in uu qaato qaato ama uu barto arday walba oo jaamacad dhigta haba lagu kala gadisnaado e qaabka iyo goorta la baranayo, ardayda qaar waxa ay bartaan ama la siiyaa markii ay dhamayn rabaan jaamacada halka arday qaarna la siiyo markii ay gaaraan bartamaha xili jaamacadeed kooda. balse waxa ay ka siman yihiin dhamaan ardayda ayaa ah in ay adag tahay fahamka maadada tani, xitaa waxaa adag in maadadaani uu ardayga ka barto jaamacada uu dhigto, misana ay qasab ku noqoto in uu meelo kale ka raadsado fahamka maadada tani

---------------Graphic Design

Tani, iyana waa mid ka mid ah xirfadaha daruuriga u ah hormarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha, waa xirfad barashadeeda aysan sahlanayn, iyada oo u baahan waqti iyo howl adag, xirfada tani waa xirfada dhowr si' u muhiim ah sida;
samaynta ID-cards
Samaynta boogyada xusuus qorka
Samaynta boorarka
Samaynta loogooyinka
samaynta boonooyinka
samaynta boorarka arooska
samaynta boorarka ardayda qalin-jabinaysa
samaynta buugagta sawirad wata ee ardayda iwm.

----------Fahamka computerka

Sida aan ka war hayno dhamaantayada, dunida tani ee casriga ahi waxa ay u baahan tahay in tahay qof dhan walba wax kagag billaaban yihiin, qasabna ay tahay in qof walba uu wax ka fahamsan yahay dhenka technology-yada, ee uu ugu horeeyo fahamka Computers-ka, markii la eego dhenka wax-barashada, iyo shaqadaba waxaa laf-dhabar ka ah fahamka adeegsiga computer-ka, hadii aadan aqoona ay kuugu adag tahay in aad noqoto qof howlo badan qaban kara.

aragtiyada dadka ay iga bixiyeen

markii aad shaqo qabato waxaa iska caadi ah in dadku ay ra’yiyo kala duwan ka bixiyaan howlaha aad u qabatay

Waajibaadka iiga kaa saaran?

hadii aad baahi u qabto xirfadaha aan kor  ku  soo sheegay eeg hoos .

                Research Methodology

barashada maadada tani waxa ay u baahan 3 arimood, oo hadii ardaygu uu haysto uu dhaqsi ku fahmi karo.

fahamka luuqada Englis-ka

adeegsiga computer-ka   iyo

-in maalin walba aad maadada ku bixin karto 5-6 saacadood

                   Graphic Design

hadii baahi ay kaaga xeran tahay xirfada tani, sida in aad u baahan tahay:

 in aad boorka qalin jabinta samaysato   

in boor aroos samaysato 

– in aad loogo samaysato iwm

                    Fahamka Computer

sida aan horey kuugu soo sheegayba xirfada adeegsiga Computer-ka waa mid muhiim ka ah dunida tani, hadii baahidaasi jirtaana waa mid iyana lagaa haqab tirayo

Su'aalo?

Hadii ay jiraan su’aalo aad jeclaan lahayd in aad ila wadaagto fadlan isla soo xiriir.                              

          Mahadsanid